Saturday, June 13, 2026
26.7 C
Mogadishu

Kuwait oo ka Qeybqaadaneysa Gurmadka loo Fidinayo reer Beledweyne

Muqdisho (Halqaran.com)- Danjire Cabdullahi Maxammed Odowa oo ah Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo, ayaa kulan la qaatey Madaxda ugu sareysa Bisha-Cas ee Kuwait.

Ujeedka kulankan oo ahaa sidii Dalka Kuwait, gaar ahaan, Bisha-Cas oo caan ku’ah taakuleynta umadda Soomaliyeed xiliyadda adag, ay uga qaybqaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo dadkii wax yeeladu ka soo gaaray roobabka iyo fatahaadaha Wabiyadda Shabeele iyo Jubba Gaar ahaan masiibadda ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Iyagoo kajawaabaya codsiga Safaaradda, Bisha-Cas ee Dalka Kuwait waxay balanqaadeen waxtar ballaaran oo deg-deg ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...