Saturday, January 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

UPDATE: Afhayeenkii Xisbiga Waddani oo caawa Xabsi ku hooyanaya iyo Xaaladda Hargeysa oo caawa kacsan.

Afhayeenka guud ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun

Hargeysa (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ay la wareegeen xaruntii dhexe ee Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa.

Xisbiga mucaaradka ee Somaliland oo isla caawa arrintaasi ka hadlay ayaa durba dalbaday in ciidanka si dhaqsi ah looga saaro xarunta xisbiga Waddani ee Hargeysa.

Afhayeenka guud ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ciidanka booliska Somaliland xabsiga u taxaabay, kaddib markii uu galabta maanta markale ku baaqay Banaanbax uu iclaamiyay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo-gale), ayaa sheegay in aanay aqbalayn bannaanbaxyo ay sameeyaan taageerayaasha xisbiga Waddani oo isniinta berri ka dhaca magaalada Hargeysa.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ugu baaqay hoggaanka Xisbiga Wadani in uu ka laabto Banaabaxa, islamarkaana berri ay qaadi doonaan Mas’uuliyadda wixii ka dhasha Banaanbaxyo ka dhacay Hargeysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...