Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

Uhuru Kenyatta oo ka horyimid in Mareykanka uu Kenya duqeymo ka fuliyo

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta France24 u sheegay inuusan oggolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya Alshabaab.

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.

Weerar ay bishii January Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay maxkamad milatari oo ku taalla Soomaaliya ay xabsi daa`in ku xukuntay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa weerarkaas.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-Shabaab ku qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan farabadan, kuwaas oo ka howlgalla deegaanno ka tirsan Maamulka Jubbaland, iyaga oo ku Shaqeeya Magaca howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Mareykanka ayaa aalaaba weerarro cirka ah oo uu ku bartilmaameedsado Al-Shabaab ka fuliya Magaalooyin kamid ah dalka Soomaaliya, weeraradaas oo uu shego in uu ku dilo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee mararka qaar ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...