Laascaanood (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in laba Carruur Walaalo ah ay geeriyoodeen, kadib markii ay ku dhaceen meel Biyo ku jiraan oo lagu dabaasho.
Goobta ayaa waxaa la sheegay in markii hore ku dhacay mid kamid ah Carruurta, balse midka kale oo doonayay in uu soo badbaadiyo Walaalkiis uu isagana ku dhacay, islamarkaana labadaba ay halkaasi ku dhinteen.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in labada carruurta ah oo da’dooda ay kala aheyd 8 iyo 9 sano ay meydadkooda ka soo saareen goobtii ay biyaha ku jireen ee lagu dabaalan jiray, islamarkaana ay Aaseen.
Dhacdooyinka la xiriira carruurta ku dhacda meelaha Biyaha ay galaan ee lagu dabaasho ayaa mararka qaar waxaa ay ka dhacaan deegaannada Miyiga ah ee Soomaaliya, iyada oo ay tahay arrintaasi mid soo noqnoqda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





