Ugu yaraan 40 qof oo lagu dilay duqeyn loo geystay goob Xaflad aroos ah!

LibyA (Halqaran.com) – Duqeyntan oo Axadii ka dhacday magaalada Mursuuq ee ku taal Koonfur-galbeed dalka Liibiya ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof.

Dadkan duqeynta lagu dilay ayaa la sheegay inay ku sugnayeen xaflad Aroos oo magaaladaasi ka dhacaysey, xilliga duqeynta lala beegsanaayay.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen ciidamada ka amar qaata Gen. Haftar oo dagaal kula jira dowlda Caalamka ictiraafsan yahay ee xaruntood tahay magaalada Tripoli.

Dhinaca kale, dowlada Libya ayaa sheegtay inay Jimcihii lasoo dhaafay ay soo riday Diyaarad Drone ah oo uu lahaa Haftar, diyaaradan oo la sheegay in Dowlada Imaaraatiga kasoo gadatay dalka China ayna siiyey ciidamada Haftar.

Ciidamada Haftar ayaa taageero militari iyo sanaad hub ka hela dalal kala duwan oo ay ku jiraan Imaaraadka, Masar, France iyo Ruushka.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com