Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

Turkiga iyo Qatar oo si kulul uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ee Ceelbaraf

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degaanka Ceel-baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaamarkale ay  ku celisay mowqifka adag ee Qatar ay ku diidan tahay rabshadaha iyo falalka argagixisada ee Al-Shabaab ka fuliyaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay si adag u cambaarayneyso weerarkii lala beegsaday Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo askar badan oo Burundi ah ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen.

“Waxaan tacsi u direynaa dowladda Burundi oo aan walaalo nahay & Dowladda Soomaaliya dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaana u rajeyneysaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sidoo kale Turkiga waxa uu sheegay inay sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah  waxaa loogu yeero argagixisada ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS.

Subaxnimadii Talaadada ee shalay, ayaa weerarku ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday afaafka hore ee Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaanka Ceelbaraf, waxaana xigay dagaal xoogan oo ay ku dhinteen askar farabadan oo u dhashay dalka dalka Burundi.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ilaa 30 askari laga dilay 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab  ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen in ka badan 170 Askari, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay muuqaal muujinaya meydadka askar iyo agab ciidan oo ay ku qabsadeen oo ay kujiraan gaadiid dagaal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...