Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

TOP NEWS: Madaxweyne Farmaajo oo howlaha doorashooyinka & Amniga ku wareejiyay RW Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii Maanta khudbad u jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in howlaha doorashooyinka iyo Amniga uu uga dambeyn doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo oo khudbadiisa dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa uu sheegay in sharcigii doorashooyinka oo ee doorashada qof iyo cod ay Golaha Shacabka ansixiyeen ay horay u diideen dad kasoo horjeeda in awooda dib loogu soo celiyo shacabka Soomaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in 12-kii Bishii April ay golaha Shacabka ansixiyeen Sharciga jiheynta dorashooyinka, balse ay kasoo horjeesteen dad ay kamid yihiin Dowlad Goboleedyada, sidoo kalena dalka xasarad uu ka abuuray.

“Waxaa is weeydin mudan yaa dadka kiciyay, yaa kasoo horjeestay sharciga jiheynta doorashooyinka, yaa dhaqaalo ku bixiyay in Ciidamada la kiciyo, aniga ma doonayo in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ay dhagahooda maqlaan rasaas waayo Magaaladaan waa Magaaladeeydi oo an ku dhashay‘‘ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in uusan dooneyn in dhiig uu ku daato arrimaha doorashooyinka, waxaana uu Golaha Shacabka ka codsaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii September.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in xilligaan wixii ka dambeeyay in Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga dalka uu uga dambeyn doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...