Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Tiro badan oo dad ah oo u dhintay ‘kuleyl dartiis’ dalka Canada!

Canada (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in tiro badan oo dad ah ay ku dhintey dalka Canada, kaddib markii kuleyl aan la qiyaasi Karin uu ku kordhey heer kulka.

Booliska Vancouver ayaa sheegay iney jiraan dad si deg deg ah u dhintey, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 130 qof tan iyo jimcihii. inta badan dadka dhintey waa kuwo waa yeello ah, ama cuduro xun qaba.

Sidoo kale, kuleylka xad dhaafka ah ee jira, ayaa qeyb weyn ka ah dhimashada dadka tirada badan.

Talaadadii Shaley ayuu dalka Canada diiwaan galiyey, taariikhda heer kulkii ugu sareeyey oo gaarayey 49.5c, saddexdii maalmood oo is xig xigtey magaalada Lytton ee gobolka British Columbia.

Toddobaadkii hore iyo intii ka horeysayba, heer kulka dalkan Canada ayaanan ka sara mari jirin 45C.

Hirarka heer kulkan oo cadaadikiisu sareeyo ayaa ka imanaya dhanka waqooyiga galbeed ee Canada iyo Mareykanka.

Khuburada ayaa sheegeysa in isbaddalka cimiliada la rajeynayo inuu sara u qaado dhacdooyinka jawiga, sida hirarka kulul.

Waa wax aad u adag, in la lala xiriiriyo dhacdo waliba oo timaada is baddalka cimilada dunida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...