Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in dib loogu soo celinayo gudaha Soomaaliya lix bilood uun kadib markii ay gebi ahaan kawada baxeen dalka.
Waaxda difaaca Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa ku soo celinta ciidamadeeda Soomaaliya.
Bishii Decembar, Madaxweynihii xilligaas ee Donald J. Trump wuxuu amar ku bixiyey in ciidammadu ka baxaan Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhimo tirada ciidamada la keenay Soomaaliya. Tan iyo waqtigaas, ciidamada Mareykanka waxay hayeen shaqo, iyaga oo tegay dalalka deriska la ah Soomaaliya, waxaana ay u tababareen Ciidamo farabadan.
Taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend, oo ka hadlaya 29-ka Juun intii lagu guda jiray Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee EU ee Golaha Difaaca Washington, wuxuu sheegay in Pentagon-ka ee uu madaxweynaha ka yahay Joe Biden ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee beddelka booska ciidanka ee gobolka.
Townsend ayaa waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in sida ugu wanaagsan ee loola shaqeyn karo shuraakada Afrika ay tahay wadashaqeyn, fool-ka-fool ah oo muddo gaaban gudahood ah.
“Runtii ma dafiri karno dib uga bixitaankeenii Soomaalida ee sida lama filaanka aheyd horaantii sannadkan ay soo bandhigtay khatar iyo murugo Marka, waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan maareyno halistaas maadaama aan wali isku dayeyno inaan gacan ka geysano la-hawlgalayaasheena Afrika dhibaatooyinka ay la leeyihiin xagga amniga.”
Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka joogay in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo Ciidamada DF Soomaaliya siin jiray tababar mararka qaarna fulin jirah duqeymo lala beegsado Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com