Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

UPDATE: Taliye Qooje oo ka warbixiyay howlgallada ka socda Galgaduud iyo dagaalladii halkaasi ka dhacay

Galgaduud (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ku wajahan deegaannada kala ah Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya, in Al-Shabaab ay deegaanadaasi ay gacanta ku hayeen muddo ku dhow toban sano.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Qooje ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay dileen ku dhawaad 18 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ciidanka ay kusii jeeddaan Ceelbuur.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa waxa uu qiray inay ciidan ku dhinteen howlgalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen, balse uu xusay in uusan howlgalka joogsan.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidankan ay shalay la wareegeen deegaannada Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa oo koonfurta kaga began magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...