Galgaduud (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ku wajahan deegaannada kala ah Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya, in Al-Shabaab ay deegaanadaasi ay gacanta ku hayeen muddo ku dhow toban sano.
Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Qooje ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay dileen ku dhawaad 18 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ciidanka ay kusii jeeddaan Ceelbuur.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa waxa uu qiray inay ciidan ku dhinteen howlgalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen, balse uu xusay in uusan howlgalka joogsan.
Ugu dambeyn, Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidankan ay shalay la wareegeen deegaannada Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa oo koonfurta kaga began magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com