Monday, May 25, 2026
26.6 C
Mogadishu

Taliska Danab oo sheegay inaysan jirin dowlad buuxin karta booska uu baneeyo Mareykanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Kumaandooska Danab ayaa ka hadlay qorshaha haatan socdo oo ay dalka uga baxayaan Ciidamada Mareykanka, ee saldhigga ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku amray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska AFRICOM in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, horaanta sanadka soo socdo ee 2021.

Ciidamada Mareykanka ayaa Garoonka Ballidoogle ku tababari jiray Ciidamada Kumaandooska Danab, iyagoona siinaayay qalab militari, si ay ugula dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxna laga weydiiyay in la heli karo dal kale oo buuxin kara booskii Mareykanka ayaa sheegay inaanu jirin dal lamid ah Mareykanka.

“Waxay na tuseysaa taariikhda inaanu jirin dal lamid ah Mareykanka oo caawinaad noocaas ah inta ay noo soo diraan lagu hawlgelin jiray ciidamadeena iyo kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska Ciidamada Qaranka, kaalin lamid ah ma jirto.” Ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay in loo darsan doono Ciidamada Mareykanka iyo in kale ayaa ku jawaabay “Mustaqbalka dhow haa, laakiin mustaqbalka fog runtii waxaan aaminsanahay in arrinkan aan ka baran karnaa inaan gacan shisheeye la’isku haleyn karin, in anaga nagala rabo ummad ahaan, dowlad, dal iyo qaran ahaanba inaan iskaashano, cidina aanan isku haleynin.”

“Marka mustaqbal fog waxaa laga yaabaa in aan ka barano casharkan in dib u dhiska ciidamadeena aan xil weyn iska saarno. Wadan shisheeye baa kuu yimid, gacan bay ku siinayaan, berrina way kaa taggayaan, tusaale fiican ayay tani noo tahay.” Ayuu yiri Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare).

Mareykanka waa dalka ugu weyn ee hawlgalada dhanka cirka ah ka fuliya Soomaaliya, iyadoo sanadkii 2019 ay dalka ka fuliyeen illaa 60 weerar, oo lagu dilay 200 oo ka mid ahaa maleeshiyada Al-Shabaab iyo dad rayid ah intuba.

Ugu dambeyn, ciidamada Mareykanka ee dalka isaga baxaya ayaa la sheegay in la kala gayn doono saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya, halkaana ay ka qaadi doonaan hawlgalada loo baahdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...