Monday, July 20, 2026
26.2 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Boliska oo war ka soo saaray Weerraro xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Halqaran.com) –Taliska Booliska dowladda Soomaaliya ayaa faah faahiyey ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam.

 

Afhayeenka Ciidamada  Booliska  Soomaaliyed Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Koowaad oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray Saldhiga degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo dhacay Abaaro 12:51 habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.

 

Wuxuu sheegay Afhayeenka Booliska in weerarka kadib uu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday oo muddo ku dhow saacad ka dhex dagaalamayay gudaha Saldhiga Kaxda, kadibna ay isaga baxeen.

 

 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in raggii weerarka kusoo qaaday Saldhiga degmada Kaxda ay u baxsadeen dhinaca Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna ku raad joogaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Al-Shabaab ay horay u sii qaateen laba Gaari oo yaallay Gudaha Saldhiga.

 

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho wuxuu sidoo kale sheegay in weerar ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ka dhacay Xaafada Daaru-salaam ay ku geeriyoodeen laba qof oo dumar ah, ayna ku dhaawacmeen 16 qof oo Shacab ah iyo Saddex Askari oo katirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

 

 

Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay in sababta loo weeraray degmada Kaxda ay tahay in halkaas maalmihii dambe ay ka socdeen Arrimo horumar iyo Iskaashi oo ay wadeen dadka deegaanka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday inay sugi doonaan Ammaankooda, sidoo kalena aysan casbi gelin karin falalka amni darro ee mararka qaarkood ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...