Baraawe (Halqaran.com) – Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu qabtay doorashada Todoba kamid ah Kuraasta ugu dambeeysa ee degaan doorashadoodu tahay Magaaladaasi Baraawe.
Hop-045 ayaa waxaa ku guleeystay Maxamuud Axmed Maxamed, isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.
HOP#045: waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed oo helay 90 Cod halka musharixii la tartamay oo ah Yuusuf Maxamed Cabdullaahi uu helay 8 Cod, waxaana xumaaday 3 Cod sida uu sheegay SEIT Koofur Galbeed. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.
HOP#145: Maxamed Cabdalla Axmed oo helay 76 cod ayaa ku guuleystay kursigaan, Musharaxa la tartamay oo ah Cabdullaahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod, waxaana halaabay 2 cod. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad ayaa ku fadhiyay.
HOP#162: Maxamed Cismaan Cumar ayaa ku guuleystay kaddib markii uu helay 74 cod, musharaxa la tartamay Maxamed Daliib Xasan ayaa helay 17 cod waxaana xumaaday 4 cod. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Cali Sheekh Cabdullaahi.
HOP#148: Waxaa ku guuleysatay Awliya Siciid Cabdullaahi oo heshay 88 cod, Sacdiya Maxamed Cabdulqaadir oo kula tartantay kursiga waxa ay heshay 10 cod waxaana xumaaday 2 cod. Kursigaan waxaa ku fadhisay Aamina Xasan Cali.
HOP#256: Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kaddib markii ay heshay 87 cod, Jiijo Axmed iikow oo la tartantay ayaa heshay 12 cod. Nadiifa Aadan Isaaq ayaa ku fadhisay kursigaan Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.
HOP#143: Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa kursigaan dib isugu soo sharaxay waxaana uu helay 90 Cod, halka musharixii la tartamay Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi uu helay 11 cod sida uu sheegay SEIT Koofur Galbeed.
HOP#163: Isaaq Maxamed Maxamuud oo ku fadhiyay kursigaan Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay isagoo heley 86 cod halka Cabdulaahi Cismaan Ibraahim uu heley 10 cod, sida uu ku dhawaaqay SEIT KGS.
Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooran doonaa Lix kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi ee degaan doorashadooda loo asteeyay magaalada Baraawe.
Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com