Muqdisho(Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Suxufiyiin ka howlgala Warbaahinta Madaxa Banaan ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka oo isu diyaarinayey tebinta Dhibaatadii ka dhalatay Weerarkii Xalay ka dhacay Saldhigga Degmada Kaxda, ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad waxa ay ugeysteen Jirdil iyo xarig sharci-darro ah oo ka baxsan Xaquuqda Aadanaha .
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka hadlay dhacdadaani ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid ka baxsan bini’aadanimadda iyo Xeerarka Saxaafada madax banaan.
” SJS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka, gacan-qaadka iyo falka ka baxsan bani’aadannimada ee bahdilka iyo cabsigelinta ku dheehan tahay ee ay ciidanka booliska Haramacad saaka u geysteen afar suxufi oo ka kala tirsan telefishannada madaxa-bannaan.
Afarta suxufi ayaa waxa ay kala yihiin: Ismaaciil Maxamed Muuse iyo Maxamed Xasan oo ka tirsan Somali Cable TV iyo Aweys Maxamuud iyo Maxamed Baarri oo ka tirsan Five Somali TV ayaa ku guda jiray tebinta wararka la xiriira weerar xalay ka dhacay degmada Kaxda.
Waxaa xusid mudan Ciidanka ku kacay falkan ka baxsan bani-aadanimada laguna dhibateeyay Suxufiyiinta ayaa waxaa horkacayayTaliyaha Ciidamada Haramcad (Fanax).



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





