Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib weerarkii Al-Shabaab xalay ay ku qaadeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda Amni ee dalka iyo weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Waxaa Kulankaan Goob joog ahaa Wasiirka Amniga ee XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Xijaar, Taliye Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen Biixi, Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda NISA Yaasiin Fareey, Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Gen Farxaan Qoroole iyo Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raisul wasaaraha Xukuumadda ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.”
RW Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’adaha amniga in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana la xoojiyo sugida amniga Caasimadda.
Sido kale Kulankaan uu Rooble isugu yeeray Saraakiisha amniga ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay Al-shabaab weeraro ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur Hantiyadeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com