Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Xaqiiqooyinka laga diiwaan-geliyay kulankii furitaanka Koobka Adduunka ee Qatar 2022-ka (+SAWIRRO)

Dooxa (Halqaran.com) – Waxaa caawa si Rasmi ah daaha looga qaaday koobka Adduunka ee Qatar 2022-ka, iyada oo la ciyaaray kulankii furitaanka ee tartanka.

Xulka Qaranka Ecuador ayaa garaacday xulka Qatar ee marti-galiyay tartanka koobka adduunka sanadkan.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Al Bayt, ayaa waxaa soo garoonka soo xaadirtay 67,372 oo taageerayaal u badnaa dalka martiga loo yahahay ee Qatar.

Haddaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka furitaanka koobka adduunka ee 2022-ka.

1.Xulka Qatar ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee guuldaro la kulma furitaanka koobka adduunka, iyaga oo marti galiyay koobka.

2.Koobka Adduunka 2022 ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee rikoodhe laga dhaliyay goolka ugu horeeya ee tartanka, kadib markii uu Enner Vallencia dhaliyay gool.

3.Qatar ayaa noqday kaliya xulkii 3-aad ee markii ugu horysay ciyaaray koobka Adduunka iyaga oo marti galiyay tartanka, kadib markii ay Uruguay sidaas samaysay 1930 iyo 1934.

Halka hoose ka Daawo Sawirrada Xafladda Furitaanka Koobka Adduunka Qatar 2022:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...