Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka Maaliyadda ee dalalka Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga ee (IMF Afrika Group 1) oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka afrika.

Shirkaan oo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. Sérgio Pimenta.

Wasiirka ayaa kala hadlay sidii loo maalgalin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta ganacsiga bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...