27.4 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Somaliland oo war yaab leh ka soo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Hargeysa (Halqaran.com) – Taliyaha guud ee ciidanka milatariga Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanioo la hadlay warbaahinta ayaa sheegasho yaab leh ka soo saaray dagaal culus ee weli ka socda Laascaanood, kaas oo galay todobaadkii saddexaad.

Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab baa joogta Laascaanood oo ku dagaalameysam waxaa ka dagaalamaya Puntland iyo kuwa kale oo Koofur kasoo baxsaday,” ayuu yiri Nuux Ismaaciil Taani.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii aan laga hortagin duulaan uu sheegay in lagu soo qaaday Laascaanood ay halis noqoneys Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya.

“Halkan haddii aan Shabaab laga sifeyn, Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland khatar-bey ku tahay,” ayuu markale markale yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu intaas hadalkiisa raaciyay, in Somaliland ay difaaceyso nabad-gelyada Geeska Afrika, ayna diidan tahay in wax uu ugu yeeray agagixiso ay saldhiga ka dhigato halkaasi.

“Annaga waxaan difaaceynaa nabad-gelyada Geeska Afrika oo waxaan la dagaalameynaa in nimankan ay saldhig ka dhigtaan hadalkan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Ilaa iyo hadda lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...