Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa soo bandhigtay aragtideeda ku aadan dood la sheegay inay todobaadkaan Golaha Wasiirrada Kenya ka yeelanayaan Aqoonsiga Somaliland iyo isbeddelka ku yimid xiriirka ay la leeyihiin Beesha Caalamka.
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan doodaas, isla markaana Kenya ay tahay dal ay deris yihiin xiriir badana uu ka dhaxeeyo.
“Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay, wafdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wafdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya‘‘ ayuu yiri Wasiir Faratoon
Wasiir Faratoon ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ogaadaan dalkooda, isla markaana ay noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga.
“Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay jooggaan waxaan ku dhiiragelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku dhiiragelinayaa inay isku duubnadaan, oo qarankooda meel uga soo wada jeestaan.” Ayuu yiri Faratoon.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland isaga oo ka hadlayay isbedelka ku yimid xiriirka ay la leeyihiin Beesha Caalamka ayaa waxaa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dalalka Caalamka ayna diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan maadaama ay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen Aqoonsi.
Dowladdii dhexe ee Soomaaliya tan iyo markii ay burburkii, Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay dib gooni isu taageedii ugala soo laabatay Soomaaliya inteeda kale, tan iyo xilligaana waxay baadigoob ugu jirtay, sidii loogu aqoonsan lahaa dal madaxbannaan, isla markaana dhaca Afrikada Bari.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





