Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Somaliland oo u hanjabtay Odayaal dhaqameed ka hadlay wada hadallada DF Somaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan Odayaal dhamaqameed ka hadley in dib loo bilaabo wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay, in ay jiraan Odayaal dhaqameed iyo dad kale oo inta badan ka gudba xeendaabka dhaqanka, sidoo kalena ka hadla arrimaha Somaliland, hayeeshee qadiyadda Somaliland uusan go’aan ka gaari karin Oday dhaqameed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in cid kasta oo ka hadasha arrimaha wada-hadallada ay tallaabo ka qaadi doonaan, sidoo kale uu xusay in dowladda Federaalka ay wado qorshooyin ay danahooda ku marsiinayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dad kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo arrimaha Somaliland iyo dowladda Federaalka ay tahay wada-hadal, isla markaana meel kasta oo lagu gelayo ay diyaar u yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...