Saturday, April 18, 2026
28.2 C
Mogadishu

Somaliland oo si kulul uga hadashay Kufsiga iyo dilkii ka dhacay magaalada Burco

Burco (Halqaran.com) – Iyadoo 11-kii bishaan Oktoobar, Hooyo saddex carruur leh oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee Somaliland ayaa waxaa falkaasi argagaxa leh war ka soo saaray Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland marnaba oggolaqaneyn in kufsi iyo dil uu ka dhaco deegaannadeeda, islamarkaana tallaabo ay ka qaadayaan dadka ka dambeeya.

Mr. Kaahin ayaa xusay in shaqsigii ka dambeeyay falka dilka iyo kufsiga ee ka dhacay Magaalada Burco ay cadaaladda horkeeni doonaan,

Wasiirka ayaa ka digay dad uu sheegay in ay doonayaan in si hoose loo xaliyo dhacdadaas.

Waxaa bilihii la soo dhaafay gayiga Soomaaliya ku soo batay falalka la xiriira kufsiga iyo dilka loo geysanayo Haweenka, iyada oo weli aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo maxkamadeeyay falkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...