Friday, August 7, 2026
26.4 C
Mogadishu

Somaliland oo beenisay in la xirayo masaajidda Hargeysa

Hargeysa (Halqaran.com) – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ayaa sheegtay in aan la xirayn Masaajida.

Wasiirka diinta ee Somaliland Sheekh Khaliil ayaa sheegay in aysan jirin tilaabo ay ku doonayaan in ay maanta ku xiraan Masaajidda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in aan markii horeba guddidu dhihin ha la xiro Masaajida balse ay ku taliyeen in dadku Guryahooda ku tukadaan, go’aankaasi dib looga laabtay.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa horay shaaca uga qaadey in uu ka laabtey Amar ay horey u soo saareen oo ahaa in la xiro dhammaan masaaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka, si looga fogaado faafidda Cudurka Coronavirus.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo kulan xasaasi ahaa la qaatey Culimada Masaajida, isaga oo u sheegay inay qafiifiyeen go’aankii ahaa in la xiro Masaajida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...