Balli-gubadle (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balli-gubadle oo ku yaalla Xaduudka Itoobiya ee dhinaca Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 2 qof ay geriyoodeen halka 3 kalena xaaladooda Caafimaad ay liidato, kadib markii dadkaasi ay isticmaaleen daawo dhireed.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay tageen Xarun ka furan deegaankaas oo dadka looga saaro Jinka laguna daweeyo, waxaana waxyeelo kasoo gaartay daawo dhireed ay isticmaaleen.
Labada qof ee dhintay ayaa ah laba wiil, halka saddexda qof ee lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad ay yihiin Dumar.
Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Hawd ee Somaliland ayaa xaqiijiyey Geerida dadkaas, isaga oo sheegay inay dadkaasi ahaayeen kuwo la siiyey daawooyin dhaqameed dhir ka samaysan, isla markaana ay sababtay geeridooda.
Sidoo kale, wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Somaliland ay xireen Waddaadka leh Xarunta dadkaasi dawada ay ka cuneen, isla markaana la geeyey Xabsiga Magaalada Hargeysa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com