Sunday, May 3, 2026
29.6 C
Mogadishu

Siyaasi CCW oo sheegay in DF Somaliya ay Xasan Daahir u oggolaatay in uu ku baaqo Dilkiisa! (Maxaa ka jira?)

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilowday qorshe lagu khaarijinaayo xubnaha Mucaaradka ku ah Dowladda, iyadoo la adeegsanayo xubno argagaxiso ahaa jirey.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Xasan Daahir ay dowladda u ogolaatay in uu ku baaqo dilkiisa iyada oo taageerayaasha dowladduna si la mid ah baaqaas baraha bulshada ka wadaan sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay Xasan Daahir Aweys oo ah argagixiye dilay kumanaan qof u ogolaatay in uu ku baaqo dilkeyga, iyada ayaana ku taageereysa, taageerayaasheeda ayaa sidoo kale hadalkaas ku haya baraha bulshada, sow macadda in ay wada shaqeeyaan argagixisada iyo dowladda?” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...