Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi oo kormeeray dekedda Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan sii hayayaasha wasaaradaha dekadaha iyo maaliyadda ayaa Talaadadii maanta kormeeray Dekadda Muqdisho.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu maamulka dekadda faray inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay Qaranka u hayaan.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxaa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Wuxuu Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala dekadda in ay ilaaliyaan mas’uuliyadda lagu aaminay, maadaama dowladda Soomaaliya uu ka dhacay Isbedel.

Ugu damebyn, Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xusay in aan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha dowladda.

Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna kula dar-daarmay maamulka cusub in ay derder-geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso dekadda.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...