Sii-hayaha R/Wasaaraha dalka Mahdi oo xariga ka jaray Xafiiska Hubinta Tayada Qalabka Dhismaha +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo waddooyinka dalka.

Ujeedada hirgelinta xafiiska ayaa salka ku haysa horumarinta tayada dhismayaashada dalka iyo hubinta dhammaan waxybaaha fududeynaya in dhismaha dalka la hagaajiyo si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhammaan waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo waddooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhismaha kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bedqabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com