Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Sidee ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay dalka Kenya? +(SAWIRRO)

Mooyaale (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Arbacadii maanta waxa ay gaareen Magaalada Mooyaale oo ku taalla xadka labada dal ee Gobolka Marsabit, iyada oo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga RW Abiy Axmed ayaa waxaa Magaalada Mooyaale ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin kale sare oo ka tirsan dowladda Kenya.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Magaalada Mooyaale ayaa waxaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ee Abiy Axmed iyo Uhuru Kenyatta ay si wadajir ah u furi doonan bar kontorool oo ku taalla xuduudda labada waddan.

Sidoo kale, isla maalinta waxay labada hoggaamiye booqan doonaan gobolka Lamu iyagoo kormeeri doona dhismaha dekedda cusub ee Lamu, dekaddaas oo isku xiri doonta adeegga Kenya, Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya.

Si kastaba, markii u dambeysay ee Abiy uu Kenya tago ayaa waxaa ay aheyd bishii Maarso sanadkii 2019, xilligaas oo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay wadajir diyaarad uga  raaceen Addis Ababa, kana degay Nairobi, xilligaas oo aheyd markii labada dal Soomaaliya iyo Kenya xiriirkooda xumaaday,  kaddib markii Kenya Safiirkeeda u yeeratay, halka Safiirkii Soomaaliya ku amartay inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...