Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Sida looga xusay munaasabadda 1-da Luuyo Muqdisho & Gobollada dalka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Aqalka Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu qabtay 60 sano guuradii ka soo wareegatay Xornimada Gobolada Koonfurta, israacii iyo midowgii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay Munaasabadda 1-da Luulyo, oo sanadkan lagu qabtay Xarunta Villa Somaaliya.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, intii Calan-saarka ay ka socotay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ku leedahay shabakadda bulshada wada xiriiriso ee Facebook ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Arbacada maanta jeedin doono khudbadda uu ugu talagalay Munaasabadda 1-da Luulyo.

1-da Luulyo ayaa saqdii dhexe ee xalay laga xusay Magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo magaalooyin kaloo dalka ka tirsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...