Muqdisho (Halqaran.com) – Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Talaadadii maanta guddoomiyay shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaa diirradda lagu saaray shirkaan nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka iyo sidii wadajir looga wadashaqeyn lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale xoojinta arrimaha barnaamijka deyn cafinta dalka.
Mr. Beyle waxaa shirkaasi ku wehlinayay wasiiru-dowladda wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda, waxaana goob joog ka ahaa wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan iimaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com












