Tuesday, June 2, 2026
26.9 C
Mogadishu

Shirka Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho xilli ay ka maqan yihiin Madaxda Puntland iyo Jubbaland

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Soomaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku dhawaaqay in shirka wadaashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka uu ka furmay Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, xilli ay ka maqan yihiin Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland.

Wasiir Dubbe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka uu ku furmay si horudhac ah, oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha JF Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland la rajeynayo in shirka ka soo qaybgeli doonaan maalinta berrito ah, oo sida uu qorshuhu yahay shirka la soo geba-gabeen doono.

“Gogosha uu Madaxweynuhu fidiyay Afisyooni Center bay taallaa, Madaxdii oo dhami way timid, marka laga reebo labada Madaxweyne, waxaana rajeyneynaa boqolkiiba boqol inay ka soo qaybgalaan.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay caqabadaha horgudban shirka ayaa yiri “Shirka ma baaqanin, shirku wuu socdaa, si fiican buuna u socdaa, waana sii socon doonnaa.”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay sheegay in ka hadalka doorashada ay ka horeyso in marka hore laga hadlo arrimaha Ciidanka Qaranka, oo sida uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo lagu doonayo in shirka kaga qaybgalaan Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland, si wadahadalada u guuleystaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...