Wednesday, March 25, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shirka Wadatashiga Madaxdii hore & Siyaasiyiin oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Muqdisho (HalQaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii maanta si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad weyn u leeyahay masiirka Umadda Soomaaliyeed, samaynta go’aamada wadar oggolka ah ee ku salaysan siyaasadda dowladda Soomaaliya.

“Waa markii ugu horreysay ee shirkan oo kale lagu qabto Soomaaliya, taas oo ka dhalatay dowladda oo dooneysa in ay fuliso siyaasaddeeda ku salaysan in wada tashi lala yeesho dhammaanba qeybaha bulshada, si ay aragtidooda ugu dhiibtaan arrimaha masiiriga ah eek u saabsan dowlad dhiska iyo ka samata bixinta waddanka dhibaatooyinkii uu soo maray”.

Ugu dambeyn, wasiir warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa sheegay in wada tashigan uu sal u yahay in aragti mideysan laga yeesho dhinacyada dowlad dhiska, horumarinta, la dagaallanka khawaarijta, amniga, dib u qaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya, si uu dalku u noqdo mid horumarsan isla markaana ah mid nabdoon.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...