Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Shirka Wada-hadallada ee u dhaxeeya DF Somaliya iyo Somaliland oo ka furmay Jabuuti

Jabuuti (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Jibuuti ee wadanka Jabuuti galabta ka furmay Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Somaliland, shirkaasi waxaa martigelisay Dowladda Jabuuti.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal, Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka Somaliland ay ka socdaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xubno la socda, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaadaneys isku keenida Midnimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Jabbuuti ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM, kuwaas oo uu sheegay inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in dadka Reer Jabuuti ay jecel yihiin iskaashiga dalalka Afrika, isla markaana ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiirigelin iyo walaalnimo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay inay garab istaagto Dowladda Soomaaliya iyo inay wadaagaan dhib iyo dheef, sidoo kalena ay noqdaan dad isku duuban si loo soo celiyo sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya.

Madaxda Somaliland dhankeeda ayaa la filayaa inay khudbadahooda jeediyaan, waxaana weli si rasmi ah loo soo bandhigin ajandaha rasmiga ah ee shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...