Shirka Madaxda dowlad goboleedyada oo dib u dhac ku yimid & berri oo lagu wado inuu…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya, in uu dib u dhac ku yimid shir gaar ah oo qorshuhu ahaa inuu Jimcaha maanta u furmo madaxda Shanta dowlad goboleed ee dalka.

Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in sababta uu shirkaasi dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan, isla markaana maalinta berito oo Sabti ah uu u furmo shirkooda.

Go’aanka Shirka Magaalada Dhuusamareeb ilaa berri dib loogu dhigay ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaasi uga socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda halkaasi isugu tagtay iyo xubnaha kale ee la socda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com