Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Shirka Madaxda dowlad goboleedyada oo dib u dhac ku yimid & berri oo lagu wado inuu…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya, in uu dib u dhac ku yimid shir gaar ah oo qorshuhu ahaa inuu Jimcaha maanta u furmo madaxda Shanta dowlad goboleed ee dalka.

Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in sababta uu shirkaasi dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan, isla markaana maalinta berito oo Sabti ah uu u furmo shirkooda.

Go’aanka Shirka Magaalada Dhuusamareeb ilaa berri dib loogu dhigay ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaasi uga socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda halkaasi isugu tagtay iyo xubnaha kale ee la socda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...