Qaahira(Halqaran.com) –Magaalada Qaahira xarunta Jamhuuriyadda Masar waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco shir looga hadlayo shaqo la’aanta ka jirta Dalalka Carabta, Saameynta taban ee Covid-19 & habka looga gudbi karo dhibaatooyinkaas jira.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta, fursadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.
Wasiirada shaqada Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa jooga Magaalada Qaahira, Soomaaliya waxaa ku metalaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.
Sanad iyo bar, shirarka waxaa lagu qabanayay muuqaalka fogaan aragga (Zoom) maadaama ay jirtay cabsi la xiriirta isu gudbinta faafitaanka Covid-19, balse haatan waxaa dib u bilawday kulamada guud inkasta oo furmashada kahor baaris ay marayaan ka qaybgalayaasha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





