Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka oo ka socdo Xerada Afisyooni ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in shirka uu maalmaha soo socdo ka sii socon doono Caasimadda Muqdisho, maantana ay madaxdu ka wadahadleen ajandaha shirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...