Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Caasimadda Muqdisho ayaa Sabtida maanta ah lagu waddaa in la soo gabagabeeyo.
Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan diiradda ku saarayay dardargelinta dagaalka dalka looga xorreynayo Argagixisada Al-Shabaab, dhammaystirka heshiiska Qaab dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed iyo dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageysanay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xorreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka ka soo barakacay Abaaraha iyo Al-Shabaab.
Shirkaan waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





