Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Muqdisho & maalintii koowaad oo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa goor dhow ka warbixiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoona diiradda lagu saarayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii May.

“Waxaa maalintii 1aad soo geba-gaboobay shirkii ay lahaayeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliyeed, oo ay ka qaybgelayeen Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Madaxda waxa ay ka wadahadlayeen oo ay ku kala warqaadanayeen muddadii bilka ahayd ay kala maqnaayeen waxyaabihii qabsoomay ee doorashada la xiriira, horumarada la sameeyay iyo sidoo kale haddii ay jireen caqabado ku horgudbanaa shirka ama in laga gungaaro xilligii doorashada. Maanta dhinacyada oo dhan runtii si saraaxad leh ayay uga doodeen.”

Macalimuu ayaa intaa ku daray “Shirku wuu sii soconayaa maalinta berrito ah, haddii Eebe idmo, waxaana laga wadahadlayay sidii loo dardargelin lahaa arrimaha doorashooyinka, waxaana loo xilsaaray Guddigii Doorashada ee Ra’iisal Wasaaruhu u qabtay inay ka soo shaqeeyaan dhinaca farsamada, oo ay soo dhiraan-dhiriyaan qorsheyaashooda, berri ayaana la dhageysanayaa.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...