Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Shir ku saabsan amniga magaalada Boosaaso oo go’aanno laga soo saaray

Boosaaso (Halqaran.com) – Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamac (Dirir) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Magaalad Bosaaso ee Gobalka Bari kaas oo ka dhacay Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maxkamadaha Garsoorka Xeer ilaaliyaasha Maxkamada Ciidmaada iyo tan darajada 1-aad ee Gobalka Bari iyo dhamaan Sarakisha ciidanka Booliska Gobalka Bari oo uu ugu horeeyo Taliye ku xigenka Qaybta Booliska G/dhexe khalaid maxamed C/raxmaN.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa saraakiisha amniga iyo Masuuliyiinta kale u sheegay inaan la aqbali karin falalka amnidarada la xariira ee ka dhaca Magaalada islamarkaana ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kaste oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo xog isweydarsi ah ayaa waxaa aad looga dooday soo gudbinta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Sarakisha Booliska in talaaba deg deg ah laga qaado cid kasta oo wax u dhimeysa amniga guud ee Gobalka Bari.

Shirka Amniga ayaa inta uu socday waxaa laga soo saaray Go’aamo la xiriira dhinaca amniga iyo in la xoojiiyo iyo in laga hortago weerarada Al-Shabaab & Daacish, mukhaadaraadka iyo dhalinyarada dhibatada dhaca moobilada ku Haaya Bushada iyo wada shaqeynta xaafadaha iyo Laamaha amaanka iyagoo bulshada ay kaashanaaya ciidamada Booliska Gobalka Bari.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...