Garoowe (Halqaran.com) – Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland Xuseen Cali Maxamuud ayaa Khamiista maanta ah Shir Guddoomiyay Shirka Saraakiisha Amniga Gobolka Nugaal.
Saraakiisha Amniga ayaa Warbixino ka siiyay Taliyaha Qaybta Shaqada socota, isaga oo sidoo kale Su’aalo ka weeydiiyay howlaha Nabadgalyada Gobolka Nugaal oo mararka qaar ay ka dhacaan falal Amni darro.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay ka warqabaan Carruurtooda, maadaama la galay xilliga fasixii Goobaha Waxbarashada ee degmooyinka iyo degaannada Gobolka Nugaal.
Sidoo kale, taliyaha ayaa Saraakiisha ugu baaqay adkeynta Amniga iyo inay u adeegaan Bulshada Gobolka Una Dhimriyaan, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Bulshada gobolka inay kala Shaqeeyaan Amniga laamaha Ammaanka una soo gudbiyaan wixii khalqal gelinaya Amniga.
Ugu dambeyn, deegaannada iyo Degmooyinka Gobolka Nugaal ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal Alni darro oo ay geystaan Al-Shabaab, halka mararka qaar ay Ciidamada fuliyaan howlgallo Amni xaqiijin ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





