Sunday, June 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay ‘carruurta la xadayo’ si loo iibsado xubnahooda jirka!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay kufsiga ku soo batay dalka iyo wararkii maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay ee ah in Muqdisho ay kasoo baxeen Koox Carruurta xadaya si ay u iibsadaan qeyb kamid ah Xubnaha jirkooda.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado in Carruurta ay guryahooda ka soo bixi waayaan, islamarkaana dalka xilligana uu noqdo mid laga cabsado Carruurta la xadayo iyo Al-Shabaab.

”Waa wax laga xumaado in carruurtii ay u bixi waayaan bannaanka cabsi laga qabo in xubnaha jirkooda la’iibsado, waxaana dowladda ka codsanayaa inay falalkaas oo uu kufsiga kamid yahay ay ka hortagto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay, in hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ay ku mashquuleen waxyaabo aan Shaqadooda aheyn, waxaana uu ka dalbaday inay ka hortagaan falalka Ammaanka lidiga ku ah ee dalka ka dhacaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...