Tuesday, July 28, 2026
26.3 C
Mogadishu

Shariif Sheekh Axmed Farmaajo waa in uu caqabada ka daayaa doorashooyinka Dalka.

Muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, isaga oo sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay wixii ka dhacay Villa Somalia.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka ee socda ay ka rajeeynayeen inay noqdaan kuwa huufan, xor iyo xalaal ah oo laga keeno natiijooyin wanaagsan oo keeni karta inay horay u socoto qaranimada Soomaaliya.

 Sheekh Shariif oo dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ku fara-adaygaan sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla ayaa sheegay in falkii uu shalay ku kacay madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid burburinaya nidaamka jilicsan dalkaan.

Ciidanka ayuu ugu digay in ay qayb ka noqdaan carqaladaynta doorashooyinka ee uu wado madaxweyne Farmaajo isaga oo sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin in fowdo iyo dagaal sokeeyo dib loogu laabto.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada ayuu ku booriyay in ay dadajiyaan doorashooyinka dalka saxaana tabashooyinka laga muujiyay qaabka ay ku bilaabatay doorashada Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif oo sitoos ah ula hadlay Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay wax badan u muujiyeen kalsooni lana Shaqeeyeen, balse doorashadii aad ugu wareejisay Golaha Shacabka hortooda Ra’iisul Wasaaraha aadan kula dhegin.

“Farmaajoow qofka wax badan oo la xiriira doorashada heli kara waa adiga, ee Ra’iisul Wasaaraha ku garab sii, ee ka daa faragelinta, waxaa banaanka jooga dad badan oo kulamid ah oo musharrixiin ah kuna qancay inay ka qeyb galaan doorashada, sidoo kale Ciidamada qalabka sida ha u adeegsan siyaasadda oo in badan aad soo sameeysay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...