Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalka u kala bedelay laba kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badn xilalka ula kala wareegaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





