Muqdisho(Halqaran.com) –xubnaha Guddiga doorashada heer Federaal ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulan aan caadi aheyn ku yeesheen Hotelka ay xubnaha Guddiga degan yihiin oo ku dhex yaalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Xubnaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shaaca ka qaaday inay xil ka qaadis ku sameeyeem guddoomiyihii guddigaasi, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo ay u jeediyeen eedeymo kala duwan.
Xubnaha guddiga oo gaarayey illaa 18 ayaa 15 ka mid ah waxay u codeeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha, halka saddexda kalena ay ka hortimid.
ugu dambeytii Xilka qaadista Gaddomiyaha ayaa kusoo aaday, iyada oo la sheegayo inuu jiray muran udhaxeeyay xubnaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal , haseyeeshee maanta ayaa la xaqiijiyay in xilka laga qaaday Gaddomiyaha guddigaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





