Jowhar (Halqaran.com) – Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleedka ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Axadda maanta ah Magaalada Jowhar ku qabtay doorashada kursiga Hop#146 oo kamid ah kuraasta ku harsaneyd Maamulka Hirshabeelle.
Kursiga Hop#146 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa Maanta loo doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah Musharraxiinta sanadkaan ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya u taagan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa 101 Ergo ay ugu codeeyeen cod gacan taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Shariif Abuukar Axmed oo la tartami lahaa, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle.
Ugu dambeyn, maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u harsan doorashada Saddex kursi oo kala ah; Hop#141 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuular Islow Ducaale, Hop#135 oo ay ka geeriyooday Aamino Maxamed iyo Hop#086 oo horay loogu doortay la taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Axmed balse ay diideen Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





