Muqdisho (Halqaran.com) – Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay dilkaasi u geysteen sarkaalkaas, iyadoona dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen.
Sarkaalka la dilay oo caan ka ahaa xaafada Seybiyaano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar), waxaana uu ka tirsanaa Booliska Soomaaliya.
Dilka kaddib, waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, isla markaana geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.
Ciidamada booliska ayaa sidoo kale xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka sarkaalkaasi, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaasi, walow dilalka qorsheysan ay inta badan sheegtaan Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





