Wednesday, June 24, 2026
24.9 C
Mogadishu

Sarkaal Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed +(SAWIRRO)

Qansaxdheere (Halqaran.com) – Sarkaal la sheegay inuu ka goystay Ururka Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii lagu soo bandhigay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ayaa Maxamed Cabdi Xasan ku soo bandhigay Degmada Qansaxdheere, kadib markii uu isu soo dhiibay.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen ka hor inta aanu ninkaasi isu soo dhiibin inuu xiriir la soo sameeyay, iyana ay soo dhaweeyeen.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta waxaa uu Maxamed Cabdi ka hawlgeli jiray deegaannada hoos yimaada Qansaxdheere.

Qansaxdheere waxaa intii muddo ahba go’doomin ku haya mintidiinta Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi ayaa xilligii la soo bandhigayay waxaa uu watay qori AK47 iyo booshkiisa, oo sida la sheegay uu kala soo goystay maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa bishii Luulyo ee sanadkii 2015 la wareegay gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere, wixii xilligaa ka dambeeyayna waxay ku jirtay xaalad go’doomin ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...