Thursday, April 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya oo dib loo furay

Nairobi (Halqaran.com) – Muddo Lix bilood kaddib, waxaa dib loo furay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka gadaal markii xal laga gaaray khilaafka diblumaasiyadeed ee soo kala dhex-galay DF Somaliya iyo Kenya.

Munaasabad lagu furayay safaaradda oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Safiirada dalalka Caalamka, mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo qaar kamid ah bulshada Soomaalida.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur ( Tarsan) ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu waligiis ahaa mid isbedbdelaya oo marna xoogeysanaya marna hoos u dhacaya, isla markaana labada dowladood aysan kala go’i karin.

Danjire Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si rasmi loo furay, hayeeshee maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan ay shaqa bilaabi doonto, waxaana Soomaalida ugu baaqay in ay adeegyada ay u baahan yihiin kasoo doonan karaan Xarunta Safaaradda.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xirneed muddo ka badan lix bilood, kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo soo kala dhex-galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, balse dhawaan xal laga gaaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...