Thursday, April 30, 2026
28.1 C
Mogadishu

Sacuudiga oo Soddomeeyo ruux Shil ku dhintay iyagoo u socda Cumarah

Xajka /Photo: AP

Madina (Halqaran.com) – 35 qof oo ajaanib ah ayaa geeriyooday, afar kalena way dhaawacmeen kadib markii baskii ay saarnaayeen uu ku dhacay baabuur kale, meel u dhow magaalada barakaysan ee Medina, sida ay Khamiista sheegtay warbaahinta dowladda Sacuudiga.

Shilkan ayaa dhacay habeenkii Arbacada, sida uu sheegay afhayeenka booliska magaalada Medina, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Dadka ku dhintay shilkan ayaa ahaa Carab iyo Asian ka safrayey Medina una socday Makkah, si ay usoo Cumrah gutaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo muujisay sawirrada baska oo holcaya.

Wakaaladda wararka SPA ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay la geeyey isbitalka Al-Hamna. Mas’uuliyiinta ayaa billaabay baaritaan.

Wargeyska Okaz ee Sacuudiga ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen ajaanib ku nool Sacuudiga oo soo Cumrah gudanayey.

Barasaabka gobolka Medina, Amiir Faisal bin Salman ayaa tacsi u diray ehellada dhibanayaasha.

Weli lama shaacin dalalka ay u dhasheen dhibanayaasha, balse ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey shilkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...