Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Sacuudi Carabiya oo Xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaaliya

Riyad (Halqaran.com) – Hay’adda Guud ee Cuntada iyo Daawooyinka ee dalka Sacuudiga ayaa soo saartay Go’aan Farxad leh oo ku aadan in Xayiraadii laga qaaday Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jirey Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska Cukaad ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday Xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ee Caafimaadka Xoolaha, si loo qaado Xayiraadii Xoolaha Soomaaliya saarnayd.

Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa billaabay inay Wareegto u kala diraan Rugaha Ganacsiga iyo Macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in Xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...