UPDATE: Sacuudi Carabiya oo Xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaaliya

Riyad (Halqaran.com) – Hay’adda Guud ee Cuntada iyo Daawooyinka ee dalka Sacuudiga ayaa soo saartay Go’aan Farxad leh oo ku aadan in Xayiraadii laga qaaday Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jirey Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska Cukaad ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday Xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ee Caafimaadka Xoolaha, si loo qaado Xayiraadii Xoolaha Soomaaliya saarnayd.

Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa billaabay inay Wareegto u kala diraan Rugaha Ganacsiga iyo Macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in Xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com