Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

RW Xamse oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka naf lacaariga ah ee argagixisada ay ku beegsadeen maanta dadka maatida ah.

Mr Barre ayaa sheegay, in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Ururka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ALLE (SWC) uga baryay inuu Jannatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhaddada ahaa ee maanta Al-Shabaab ku laayeen Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Argagixisada Al-Shabaab oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabargoyn lahaa kooxda argagixisada ee gabalkoodu sii dhacayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...